Ciidamada daacada u ah C/kariin Guulleed oo goordhow gacanta ku dhigat Deegaan muhiim ah

news-701x290

Wararka aanu ka heleyno  degaanka Camaara ee Koofurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Galmudug ay dagaal la’aan kula wareegeen Degaanka Camaara oo Al-shabaab ay Todobaadyo ka hor  qabsadeen.

Goobjoogeyaal ayaa noo sheegay in Ciidamada Galmudug ay Magaalada Gacanta ku dhigeen,iyadoo ay san jirin wax dagaal ah oo dhacay , kadib markii Xarakada Al-shabaab ay iskaga baxeen degaanka.

Degaanka Camaara ayaa Labo Todobaad ka hor waxaa la Wareegay Xarakada Al-shabaab,iyadoo Ciidamada Maamulka Galmudug ay u sooro gashay in ay maanta dib qabsadaan Degaankaasi.

Maamulka Galmudug ayaa horay u sheegay inuu qorsheynayo Dagaal Al-shabaab looga saarayo Degaanada ay ka joogaan galgaduud iyo Koofurta Gobolka Mudug

Leave a comment