Arrin cajiib ah oo ka dhacday Gobolka Louisiana kadib markii Xabsi la dhigay

News

Laba ka mid ah Booliska Gobolka Louisiana, ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib toogasho lagu dilay wiil lix sano jir ahaa, laguna dhaawacay aabihii, xilli ay gaarigoodu saarnaayen.

Dhacdadan, ayaa habeenkii Talaadada ka dhacday Magaalada Marksville. Waxaana muuqaalo la qaaday lagu arkay wiilka yar oo ku xirnaa kursiga gaariga, waxaana ku dhacday shan xabadood, oo uu u geeriyooday.

Norris Greenhouse Jr. iyo Derrick Stafford, ayaa waxaa xalay loo xiray dilka Jeremy Mardis iyo dhaawaca aabihii, ka soo gaaray rasaastaasi.

Taliyaha Booliska Gobolka Louisiana, Mike Edmonson, ayaa fal argagax leh ku sheegay qaabka uu u dhintay wiilka yar, balse maanu sheegin waxa laga yeeli doono askartaasi xiran.

Chris Few oo ah aabaha dhalay wiilkaasi, ayaa Saxaafadda u sheegay in askarta la xiray ay tahay inay Cadaaladda wajahaan, ka dib markii uu sheegay in rasaasta nool nool ay ku harqiyeen gaarigii ay la socdeen.

Dalka Mareykanka, ayaa waxaa ku soo xoogeysanaya dhibaatooyinka ay gaysanayaan xoogaga ammaanka, balse inta badan ma dhacdo in wax tallaabo ihi laga qaado.

Leave a comment