DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu hogaainayo oo goordhow gaaray Dhadhaab..

news-701x290

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke  iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xubno Wasiiro oo kala ah Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ceynte, Wasiirka Gaashaandhiga General C/qaadir Sheikh Cali Diini iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ujeedka socdaalka Cumar C/rashiid iyo xubnaha uu hogaaminayo ay ku tageen xeryaha Dhadhaab ayaa lagu sheegay arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso u kuur galida xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan iyo waliba Qorshaha la doonayo in dib Qaxootiga si iskood ah loogu soo celiyo dalkooda.

Inta uu ku sugan Ra’iisal wasaaraha Xeryaha Qaxootiga wuxuu la kulmi doonaa qaar ka mid ah Horjoogayaasha Qaxootiga,isagoona ka xog wareysan doona baahiyaha gaarka ah ee hada ay qabaan iyo sida ugu haboon ay uga qeyb qaadan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya,Kenya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (UNHCR),ayaa dhawaan heshiis seddex geesood ah ku gaaray magaalada Nairobi oo ku aadan in Qaxootiga aan qasab loo isticmaali Karin dib u celintooda.

Qaxooti boqolaal gaaraya oo horay ugu dhaqnaa dalka Kenya gaar ahaan xeryaha Qaxootiga ayaa hada si iskood ah dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dib uu dhiska dalka.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in dib u dejin iyo Helista adeegyada ay u baahan yihiin loogu sameynayo Qaxootiga dib ugu soo laabanaya Soomaaliya.

Leave a comment