Awaamiir dhawr qodob ka kooban oo lagu soo rogay Hoteelada Jowhar

Xilli Talaadadii awaamiir adag lagu soo rogay Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maantana awaamiir kale lagu soo rogay Hoteelada Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Geelle Isaaq Warsame, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Jowhar, ayaa wuxuu ku dhawaaqay awaamiirta maanta lagu soo rogay goobaha dadweynaha ee la seexdo ee ku yaala Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Geelle, ayaa wuxuu dhammaan Maamulada Hoteelada uu ugu yeeray inay u hogaansamaan fulinta awaamiirtan, bacdamaa sida uu ku sheegay ay ku ilaalinayan nabadgelyada Jowhar.

Awaamiirta lagu soo rogay Hoteelada Jowhar

In Maamulada Hoteelada ay diiwaangeliyaan dadka seexanaaya Hoteelada Degmada Jowhar

In waraaqaha form-ka ee dadka lagu diiwaangeliyo ay keenaan Saldhiga Booliska Degmada Jowhar

In tani ay hay’adaha ammaanka ku suggayaan amniga guud ee Degmada Jowhar, loogana baahan yahay inay u hogaansamaan.

In tallaabo laga qaadi doono, lagu lana xisaabtami doono Maamulada Hoteelada, cidii aan diiwaangelin dadka seexanaaya Hoteeladooda.

Leave a comment