Jose Mourinho oo xaqiijiyay iney Diego Costa iyo Pedro taam u yihiin kulanka Liverpool

chelsea-stoke-diego-costa-injury

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa daboolka ka qaaday in xiddigihiisa Spain ee Diego Costa iyo Pedro iney taam u noqon doonaan kulanka Sabtida beri ay la ciyaarayaan Liverpool.

Pedro ayaan Chelsea u ciyaarin seddexdii kulan u dambeeyay dhaawac dartii halka Costa uu dhaawac ka soo gaaray kulankii League Cup ay la ciyaareen Stoke Tallaadadii.

Laakiin waxaa uu 52 jirkan sheegay Branislav Ivanovic inuu isbuucyo maqnaan doono.

“Branislav  iyo Ivanovic waa ay maqnaanayaan kulankan laakiin Pedro iyo Diego waxaan ku raja weyn nahay iney ciyaarayaan.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 15 aad ee horyaalka Premier league.

Leave a comment