Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Muhiimka Ah Ee Stoke City Vs Chelsea, Fabregas Oo Kursiga Kaydka La Dhigay, Hazard Iyo Matic Oo Shaxda Blues Ku Bilawday

sGT

Kooxda Chelsea oo uu tababaraheeda Jose Mourinho garoonka ka ganaaxan yahay ayaa kooxda Stoke City marti ugu ah garoonkeeda Britannia Stadium, waana kulan muhiimad gaar ah u leh kooxda martida ah ee Blues oo dhawaan isla garoonkan lagaga reebay tartanka Capital One Cupka. Continue reading “Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Muhiimka Ah Ee Stoke City Vs Chelsea, Fabregas Oo Kursiga Kaydka La Dhigay, Hazard Iyo Matic Oo Shaxda Blues Ku Bilawday”

DAAWO:FIFA Oo Soo Saartay Liiska Tobanka Ciyaartoy Ee Ku Tartami Doona Abaal Marinta Goolka Sanadka 2015-ka Ugu Fiican Ee FIFA Puskas Award, Lionel Messi Iyo Carlos Tevez Oo Liiskan Hogaaminaya

Messi-And-Tevez-620x430

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay liiska tobanka ciyaartoy ee ku tartami doona abaal marinta goolka Sanadka 2015-ka ugu Fiican ee FIFA Puskas Award, waxaana liiskan hogaaminaya xidigaha ree Argentina ee Lionel Messi iyo Carlos Tevez. Continue reading “DAAWO:FIFA Oo Soo Saartay Liiska Tobanka Ciyaartoy Ee Ku Tartami Doona Abaal Marinta Goolka Sanadka 2015-ka Ugu Fiican Ee FIFA Puskas Award, Lionel Messi Iyo Carlos Tevez Oo Liiskan Hogaaminaya”

XARAGO: Iska Ilaw Goodhkii Waynee Ee Uu Arsene Wenger Caanka Ku Ahaa, Tababare Wenger Oo Lagu Arkay Qaab Aanad Waligaa Ku Arkin!!

Wenger-620x287

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa inta badan caan ku ah in uu xidho koodhka wayn kaas oo uu muddo dheer soo isticmaaliyay, laakiin tababare Arsene Wenger ayaa la soo baxay xargo cusub isla markaana iskaga soo tagay astaantii uu caanka ku ahaa. Continue reading “XARAGO: Iska Ilaw Goodhkii Waynee Ee Uu Arsene Wenger Caanka Ku Ahaa, Tababare Wenger Oo Lagu Arkay Qaab Aanad Waligaa Ku Arkin!!”

Kooxdii Ay Saamiga 50% Lahaayeen Halyeeyadii Man United Giggs, Scholes, Putt, Gary & Phil Neville Oo Guul Taariikhi Ah Gaartay Xalay

Salford

Salford City ayaa guul tariikhdi ah gaartay xalay kadib markii ay 2-0 ku dhufteen dhigooda Notts County kulan ka tirsan koobka FA Cupka.

Gary Neville, Nicky Putt iyo Paul Scholes ayaa nasiib u helay iney daawadaan kooxda ay saamiga ku leeyahiin oo guul gaareysa.

Salford City waxey qeybta labaad ee ciyaarta u aheyd mid wanaagsan madama ay heshay labada gool goolka hore waxaa dhaliyay xidigii hore Sheffield United Danny Webber waxyar kadib markii nasiinada laga soo laabtay.

Richie Allen oo badal kusoo galay ciyaarta ayaa si qurux badan hogaanka ugu dheereyay kooxdiisa kadib markii uu si fiican goolhayahii hore Manchester United Roy Carroll u daba mariyay goolka.

DAAWO SAWIRADA:

Salford n6Salford n5Salford n4Salford n3Salford n2Salford n1Salford n

Faaqidaada ciyaarta Premier League ee Manchester United iyo West Bromwich Albion

Manchester Utd v West Brom

Chris Smalling ayaa ugu baaqay xiddigaha Kooxdiisa in ay soo afjaraan jahwareerka ka heysta kulumada horyaalka Ingiriis-ka.

Kulanka: Manchester United Vs  West Bromwich Albion

Garoonka: Old Trafford, Manchester

Garsooraha: M. Dean

Saacada:6:00 maqribnimo

Maalinta:Sabti

Taariikhda :November 7, 2015

Man United ayaa weyneysa kulankan Antonio Valencia ,James Wilson iyo Paddy McNair .

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay 7 gool, waxaana uu caawiyay wax ka badan afar gool 7-dii kulan ugu dambeysay Premier league uu ka horyimid West Bromwich Albion oo uu safka hore ku soo bilowdo.

West Brom  ayaa laga badiyay hal jeer uun shantii kulan ugu dambeeyay Premier league ay ka horti maaday  United, labo waa ay badiyeen labo kalana bar baro.

Manchester United ayaa laga badiyay hal jeer 13-kii kulan ugu dambeeyay Premier league ay ku ciyaartay Old Trafford,9 waa ay badisay seddexna bar baro.

Man United ayaa ah xagaagan kooxda shabaqeeda ugu ilaaliska  badan Premier league, iyadoo aan wax gool ah  laga dhalin 7 kulan.

Seddexdii  kulan ugu dambeysay EPL-ka wax gool ah kama aysan dhalin, horay sidan oo kale waxaa ay ugu dhacday seddex jeer oo kale waana November 1992, April 2005 iyo August 2007.

Christian Benteke goolkiisii is laabka ahaa ayaa ah goolka kaliya ee xagaagan United garoonkeeda looga dhaliyay horyaalka.

Man United wax guuldaro ah kama aysan soo gaarin xagaagan garoonkeeda horyaalka,3 waa ay badisay labana bar baro.

Falanqeynta ciyaarta horyaalka Talyaaniga ee AC Milan iyo Atalanta

bbbhhhj

Mattia De Sciglio ayaa eegaya caawa guushii afaraad oo xiriir ah horyaalka Serie A in ay ka gaaraan Atalanta.

Kulanka: AC Milan Vs  Atalanta

Garoonka: Stadio Giuseppe Meazza, Milano

Garsooraha: Piero Giacomelli

Saacada:10:45 habeenimo

Maalinta:Sabti

Taariikhda :November 7, 2015

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Kooxahan AC Milan iyo Atalanta ayaa wadaagay kaliya hal bar baro  18-kii kulan ugu dambeysay Serie A, waana kulan dhacay 2009-kii xilliigaas oo ay ku kala tageen  1-1 waxa uuna ka dhacay garoonka Bergamo.

Atalanta ayaa badisay labo kamid ah seddexdii kulan ugu dambeysay Milan ay kula soo ciyaartay garoonkeeda,waxaana labada mar  ay ugu badineysay  min 1-0.

Markii ugu dambeysay  Atalanta  oo ay AC Milan horyaalka Serie A garoonkeeda si xiriir ah ugu garaacdo  waxaa uu ahaa sanadkii 1943-dii.

Rossoneri ayaa badisay seddexdii kulan ugu dambeeyay Serie A,markii ugu dambeysay oo Milan sidan oo kale ay sameyso waxaa uu ahaa sanadkii 2014 markaas oo afar kulan xiriir ah ay badisay.

AC Milan ayaa badisay lix kamid ah 7-dii kulan ugu dambeysay ay  garoonkeeda ku ciyaartay xagaagan, kaliya Napoli  ayaa kaga adkaatay.

Bonaventura ayaa sameeyay xagaagan shan caawin, waa xili ciyaareedkiisii ugu caawinta badnaa Serie A.

German Denis ayaa horay AC Milan ugu dhaliyay shan gool oo horyaalka ah oo labo kamid ah uu ka dhaliyay seddexdii kulan ugu dambeeyay uu ka horyimid.

In Aanu Rafcaan Ka Qaadan Doonin Ganaaxii FA-gu Garoonka Kaga Kaga Mamnuucday,Qaabka Uu Kulanka Stoke Kula Socon Doono,Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa, In Ay Ka Soo Aarsan Doonaan Stoke Iyo Waxyaabo Uu Mourinho Ka Hadlay

JM-Chelsea

Tababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourinho oo ay xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-gu ay kulanka Stoke City ka ganaaxeen garoonka ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ee kulankan ka horeeya wuxuuna Mourinho cadeeyay Continue reading “In Aanu Rafcaan Ka Qaadan Doonin Ganaaxii FA-gu Garoonka Kaga Kaga Mamnuucday,Qaabka Uu Kulanka Stoke Kula Socon Doono,Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa, In Ay Ka Soo Aarsan Doonaan Stoke Iyo Waxyaabo Uu Mourinho Ka Hadlay”

Qaabkee Ayuu Jose Mourinho U Maamuli Doonaa Chelsea Kulanka Stoke City Maadaama Uusan Garoonka Imaan Karin?

JM-Chelsea

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa shaqaalihiisa tababarka kala xiriiri doona hotelka kooxda kulankooda Sabtida ee horyaalka England Premier League ka dib markii laga ganaaxay garoomada. Continue reading “Qaabkee Ayuu Jose Mourinho U Maamuli Doonaa Chelsea Kulanka Stoke City Maadaama Uusan Garoonka Imaan Karin?”

Laurent Koscielny Oo Lagu Soo Waramayo Inuu Dib Ugu Soo Laaban Doono Arsenal Kulanka Ay Wajaheyso Tottenham Hotspur

Laurent-Koscielny

Arsenal ayaa waxaa usoo yeeray war wanaagsan ka dib markii loo sheegay inuu Laurent Koscielny dhaawiciisa cajirka ah uga soo bogsan doono waqtiga kulanka Axada ee North London derby ee ay soo dhoweynayaan kooxda Tottenham Hotspur.

Daafaca dambeedka dhexe ee reer France ayaa seegay kulankii Arbacadii ay guuldarrada 5-1 ah kala kulmeen Bayern Munich ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo tababare Arsene Wenger oo shaki geliyey inuu taam u noqon karo inuu ka horyimaado Spurs.

Si kastaba ha ahaatee, 30 sanno jirkaan ayaa kusoo laaban doona daafaca wadnaha ee Gunners oo badisay shan kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League taasoo ka caawisay inay hogaanka horyaalka la hayaan Manchester City, sida laga soo xigtay wargeyska The Guardian.

Daafaca dambeedka midig Hector Bellerin, oo sidoo kale seegay kulankii ka dhacay Allianz Arena maadaama uu qabay dhaawac gumaarka ah, ayaan ka qeyb qaadan doonin kulanka Isbuuc dhammaadkaan iyadoo uu booskiisa buuxin doono Mathieu Debuchy.

Alex Oxlade-Chamberlain iyo Theo Walcott ayaa sidoo kale dhaawacyo uga maqan Arsenal si la mid ah Danny Welbeck, Jack Wilshere iyo Thomas Rosicky kuwaasoo muddo dheer garoomada dhaawacyo uga maqnaa.

Real Madrid Oo Sheegtay Inay Si Buuxda U Taageersan Tahay Karim Benzema Oo Lugta La Galay Falal Anshax Xumo Ah

2E18981D00000578-0-image-a-26_1446633333138

Real Madrid ayaa soo saartay bayaan ay ku caddeyneyso inuu madaxweynaha kooxda Florentino Perez si buuxda u taageersan yahay Karim Benzema ka dib markii weeraryahankaan lagu soo eedeeyey inuu xiriir Continue reading “Real Madrid Oo Sheegtay Inay Si Buuxda U Taageersan Tahay Karim Benzema Oo Lugta La Galay Falal Anshax Xumo Ah”

Bayern Munich Oo Allenz Arena Ku Soo Burbursatay Arsenal, Thomas Muller Oo Laba Gool Dhaliyay, Arjen Robben Oo 30 Seconds Gool Ku Dhaliyay Iyo Kooxda Pep Guardiola oo si xun u Gashay Kooxda Gunners

Bayern

Bayern Munich ayaa Allenz Arena si xun ugu soo jiid jiiday kooxda Arsenal oo marti ugu ahayd, waxayna Bayern Munich kooxda Arsenal kula dhacay cadhadii ay uga soo qaatay kulankii Emirates Stadium. Kooxda Pep Guardiola ayaa qaab Continue reading “Bayern Munich Oo Allenz Arena Ku Soo Burbursatay Arsenal, Thomas Muller Oo Laba Gool Dhaliyay, Arjen Robben Oo 30 Seconds Gool Ku Dhaliyay Iyo Kooxda Pep Guardiola oo si xun u Gashay Kooxda Gunners”

Rooney Oo Xalay Barbareeyay Rikoorka Gooldhalinta Dennis Law, Imisa Ayuuse U Jiraa Inuu Noqdo Xidiga Ugu Goolasha Badan Man United?

van-gaal-and-rooney-011-660x395

Kabtanka kooxda Manchester United ayaa xalay talaabo u qaaday inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda Manchester United markii uu soo afjaray abaaar dhanka goolasha ah oo heysatay. Continue reading “Rooney Oo Xalay Barbareeyay Rikoorka Gooldhalinta Dennis Law, Imisa Ayuuse U Jiraa Inuu Noqdo Xidiga Ugu Goolasha Badan Man United?”

Waa Kuwee Xidigaha Ugu Goolasha Badan 5-Horyaal Ee Qaarada Yurub Ugu Caansan Xili Cayaareedkan

maxresdefault

Pierre-Emerick Aubameyang todobaadkan sedexleydii uu kooxdiisa Dortmund u dhaliyay ayaa ka caawisay weeraryahankan inuu noqdo xidigaha ugu goolasha badan 5-horyaal ee qaarada Yurub ugu caansan.

Aubameyang ayaa cagta cagta u saarayo Continue reading “Waa Kuwee Xidigaha Ugu Goolasha Badan 5-Horyaal Ee Qaarada Yurub Ugu Caansan Xili Cayaareedkan”

Jose Mourinho oo xaqiijiyay iney Diego Costa iyo Pedro taam u yihiin kulanka Liverpool

chelsea-stoke-diego-costa-injury

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa daboolka ka qaaday in xiddigihiisa Spain ee Diego Costa iyo Pedro iney taam u noqon doonaan kulanka Sabtida beri ay la ciyaarayaan Liverpool.

Pedro ayaan Chelsea u ciyaarin seddexdii kulan u dambeeyay dhaawac dartii halka Costa uu dhaawac ka soo gaaray kulankii League Cup ay la ciyaareen Stoke Tallaadadii.

Laakiin waxaa uu 52 jirkan sheegay Branislav Ivanovic inuu isbuucyo maqnaan doono.

“Branislav  iyo Ivanovic waa ay maqnaanayaan kulankan laakiin Pedro iyo Diego waxaan ku raja weyn nahay iney ciyaarayaan.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 15 aad ee horyaalka Premier league.

Natiijooyinka: Inter Milan Iyo Juventus Ciyaartoodii Caawa Maxay Ku Dhamaatey (Halkan Ka Ogow Natiijadeedii Iyo Qaab

man1

Kooxaha Juventus iyo sidoo kale Inter Milan ayaa caawa wadda ciyaarey kulan ku tirsan horyaalka dalkaasi Taliyaaniga oo kamid ah kulamadda ugu adag ee horyaalka laga ciyaaro. Continue reading “Natiijooyinka: Inter Milan Iyo Juventus Ciyaartoodii Caawa Maxay Ku Dhamaatey (Halkan Ka Ogow Natiijadeedii Iyo Qaab”

Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha oo ka horyimid tallaabada uu Muungaab uu ku diiday go’aankii Wasiirka Amniga

thumb

Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Mukhtaar Nuur Abuukar, ayaa waxa uu difaacay go’aankii uu Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed uu ku amray in lagu xiro wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee aadda Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho. Continue reading “Ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha oo ka horyimid tallaabada uu Muungaab uu ku diiday go’aankii Wasiirka Amniga”

Saadaasha Khabiirka Sky Sports Paul Merson Kulamada 9-aad Ee Horyaalka Ingiriiska, Klopp Ayuu Guuldaro Kusoo Dhaweeyay?

Merson

Khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa markaan dib u bilaabaya saadaalintiisii horyaalka Ingiriiska kadib mudo laba isbuuc ah oo hakad uu ku jiray madama ay ciyaartoyda jireen soo gudashada waajibaadkooda qaran.

Paul Merson wuxuu guul kusoo dhaweeyay macalinka cusub ee Liverpool Jurgen Klopp isagoo u saadaaliyay in 2-1 lagu duban doono marka ay sabtida booqato White Hart Lane.

Kulamada Sabtida:

Tottenham 2 -1 Liverpool

Chelsea 2 – 0 Aston Villa

Crystal Palace 2 – 1 West Hm

Everton 1 – 1 Man United

Man City 2 – 0 Bournemouth

Southampton 2 – 1 Leicester City

West Brom 1 – 0 Sunderland

Watford 0 – 2 Arsenal

Kulanka Axadda

Newcastle 2 – 2 Norwich City

Kulanka Isniinta

Swansea 1 – 2 Stoke

Jamaahiirta Liverpool kuma qancdin saadaasha Lawrenson madama uu niyad jab kusoo dhaweeyay Jurgen Klopp, balse la arki doonee wixii ka suuragala.

Natiijooyinka: Holland Oo Haray, Turkey Oo Bedelkiisa Soo Baxay, Taliyaaniga Oo Guul Gaarey Iyo Dhamaan Natiijooyinka Kale.

netherlands

Xulalka kala ah vHolland iyo sidoo kale Czech ayaa wadda ciyaarey kulan ku tirsan isreebreebka koobka qaramadda qaaradda Yurub.

Ciyaarta oo ku bilaabatey weerar iyo weerar celis ayaa waxaa goolka ku hormartey xulka qaranka Czech oo ciyaarta ka dhigey gool iyo iyo waxba. Continue reading “Natiijooyinka: Holland Oo Haray, Turkey Oo Bedelkiisa Soo Baxay, Taliyaaniga Oo Guul Gaarey Iyo Dhamaan Natiijooyinka Kale.”

Holland Oo Ceeb Kala Kulmay 10 Nin Oo Czech Ah, Turkey Iyo Croatia Oo Iska Xaadiryay France, Belgium Oo Garaacday Israel, Wales Oo Martay Andora Iyo Natiijooyinkii Isreebreebka Euro 2016 Ee Caawa

uefa-euro-logo_3180397 croatia

 

Waxaa la ciyaaraya kulamadii ugu danbeeyay ee isreebreebka tartanka qaramada qaarada yurub ee Euro 2016 ka dhacaya dalka France, waxaana ceebo iyo lama arkaan a ku dhacday xulka Holland halka xulal kale ay soo bexeen caawa. Continue reading “Holland Oo Ceeb Kala Kulmay 10 Nin Oo Czech Ah, Turkey Iyo Croatia Oo Iska Xaadiryay France, Belgium Oo Garaacday Israel, Wales Oo Martay Andora Iyo Natiijooyinkii Isreebreebka Euro 2016 Ee Caawa”

Juan Mata Muxuu Ka Yiri Wararka La Xiriirinaya Inuu Isaga Tagi Doono Manchester United? Miyuu Ku Labanaya La Liga?

Mata-epl

Kubad Sameeyaha kooxda Manchester United Juan Mata ayaa ka dhawaajiyay inuu ku raaxeysto nolosha horyaalka Ingiriiska isla markaana aysan qorshaha ugu jirin inuu dib ugu laabto Horyaalka La Liga. Continue reading “Juan Mata Muxuu Ka Yiri Wararka La Xiriirinaya Inuu Isaga Tagi Doono Manchester United? Miyuu Ku Labanaya La Liga?”

Louis Van Gaal Oo War Farxad Leh Ka Helay Qaar Ka Mid Ah Xidigahiisa Dhaawaca Qabay Ka Hor Kulanka Everton

LVG

Marka ay soo dhamadaan ciyaaraha qaran isbuucaan kan xiga waxaa dib u bilaaban doona horyaalada qaarada yurub.

Manchester United waxey ka walwalsaneed tiro xidigo ah oo dhaawac ah kuwaas oo laga cabsi qabay iney seegaan kulanka Everton ee 17-ka October ka dhici doona Goodison Park. Continue reading “Louis Van Gaal Oo War Farxad Leh Ka Helay Qaar Ka Mid Ah Xidigahiisa Dhaawaca Qabay Ka Hor Kulanka Everton”

Madaxda Dortmund Oo Beeniyeen In Klopp Uu Xidigo Muhiim Ah Kooxdan Ka Qaadan Doono

Klopp5

Tababare Jurgen Klopp dhawaan hogaanka kooxda Liverpool ayuu la wareegay waxayna saxaafada Ingiriiska afka ku heysaa inuu macalinkan kooxdiisii hore Dortmund kala soo wareegi doono xidigaha kala ah Marco Reus iyo Ilkay Gundogan. Continue reading “Madaxda Dortmund Oo Beeniyeen In Klopp Uu Xidigo Muhiim Ah Kooxdan Ka Qaadan Doono”

Dhibaatada Dhaawac Ee Xidigaha Real Madrid Oo Sii Korortay Iyadoo Luka Modric Laga Saaray Kulankii Bulgaria

Dhibaatada Dhaawac Ee Xidigaha Real Madrid Oo Sii Korortay Iyadoo Luka Modric Laga Saaray Kulankii Bulgaria

Tababaraha xulka Croatia Ante Cacic ayaa xaqiijiyay in kubad sameeyaha Real Madrid Luka Modric dhaawac soo gaaray kulankii ay guusha ka heleen Bulgaria taasoo qasabtay in badal lagu sameeyo bilowga qeybta labaad ee ciyaarta. Continue reading “Dhibaatada Dhaawac Ee Xidigaha Real Madrid Oo Sii Korortay Iyadoo Luka Modric Laga Saaray Kulankii Bulgaria”

Suuqa Kale Iibisga: Barcelona Oo Isha Ku Heysa Saxiixa Kubad Sameeyaha Man United Ander Herrera

Herrera

Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa si gaar ah ula socota xaalada kubad sameeyahay ree Spain ee aan booska joogtada ah ka heysan kooxda Manchester United ee Ander Herrera oo ay doonayaan iney kooxdooda ku xoojiyaan. Continue reading “Suuqa Kale Iibisga: Barcelona Oo Isha Ku Heysa Saxiixa Kubad Sameeyaha Man United Ander Herrera”

Kooxaha Gobolada Maroodi Jeex Iyo Awdal Oo Uu Dhexmaray Kulan Rabshado Keenay Iyada Oo Ciyaarta Oon Dhamaan La Joojiyay

 

Gabiley oo Xsuuqday saaxil maanta

 

Waxaa maanta la ciyaaray kulamadii  todobaad ee tartanka gobolada Somaliland ee ka socday garoomada Xaaji Dahir Stadium iyo Alamsey Stadium oo ku kala yaala magaalooyinka Boorama iyo Burco uga socda wareega kowaad ee isreeb reebka  tartanka koobka gobolada Somaliland,waxaana kulamo adag ciyaaray Maroodi Jeex iyo Awdal oo isku haleelay Xaaji Daahi Stadium halka Daad-Madheedh ay Alamsey Stadium kula ciyaartay kooxda gobolka Badhan. Continue reading “Kooxaha Gobolada Maroodi Jeex Iyo Awdal Oo Uu Dhexmaray Kulan Rabshado Keenay Iyada Oo Ciyaarta Oon Dhamaan La Joojiyay”

Kooxda Gobolka Gabiley Oo Si Xun U Xasuuqaday Kooxda Gobalka Saaxil, Mukhar Messi Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Sanaag Oo Kulankeedii Labaad Barbaro La Gashay Kooxda Gobalka Sool

Gabiley oo Xsuuqday saaxil maanta

Waxaa maalintii lixaad si habsami ah garoomada Xaaji Dahir Stadium iyo Alamsey Stadium oo ku kala yaala magaalooyinka Boorama iyo Burco uga socda wareega kowaad ee isreeb reebka  tartanka koobka gobolada Somaliland, waxaana maanta la ciyaaray kulamadii lixaad ee isreeb reebka tartanka gobolada Somaliland. Continue reading “Kooxda Gobolka Gabiley Oo Si Xun U Xasuuqaday Kooxda Gobalka Saaxil, Mukhar Messi Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Sanaag Oo Kulankeedii Labaad Barbaro La Gashay Kooxda Gobalka Sool”