Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo saaka lagu aasay Muqdisho

aas-qaran-170x114

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Muqdisho.Xildhibaanka oo lagu aasay qubuuraha Isbitaalka Madiina ayaa waxaa aaskiisa ka qeybgalay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka, Jeylaani Nuur Ikar, ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/llaahi Colaad Rooble, Xildhibaanno iyo ehelada Xildhibaanka.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay kooxo hubeysan shalay ku fureen isagoo marayay suuqa Bacadlaha degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa noqday xildhibaankii 5aad ee lagu dilo magaalada Muqdisho sanadkan sii dhamaanaya ee 2015.

Leave a comment