Al shabaab oo dagaal dhiig badan kudaatay ku qaaday kismaayo..

News

Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Xaruntii hore ee Ciidamada Cirka oo ku taallay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala gaaray Ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab,waxaana Dagaalka uu yimid ka dib Weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen Fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland Aadan Maxamed Ibraahim Aadan Goojaar ayaa sheegay in Dagaalka ay Al-shabaab uga dileen 5 ilaa 6 Dagaalyahan islamarkaana ay ku dhaawaceen ilaa 11 kale.

Aadan Maxamed Ibraahim Aadan Goojaar ayaa sidoo akle sheegay in Shabaabka soo Weeraray ay yihiin kuwii doonayay in ay ku biiraan Daacish oo ay Xog ku ogaadeen.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland Aadan Maxamed Ibraahim Aadan Goojaar waxaa uu ka hadlay Khasaaraha Ciidamada Jubbaland Weerarkaasi ka soo gaaray,iyadoo uu xusay in ilaa 8 Askari Dagaalka looga dilay.

Leave a comment