UEFA oo soo saartay sida dakhliga CL loo kala badsaday sanadkii tegey!

s9-660x527

UEFA ayaa daboolka ka rogtey lacagaha ay kala heleen 32-dii kooxood ee sanadkii tegey ka qayb gaklay Champions League waxaan ka hadlaynaa dufcaddii 2014 to 2015. Halkan ka akhri sida ay dalalku lacagta ka qaybgalka u kala heleen.

Waxaa la qaybiyay lacag ka badan hal bilyan oo euro (1,033,425,000), kuwaasoo ay ku jiraan kuwa kulamadii kala baxa ahaa (playoffs). Juventus, oo ay final-ka ku garaacday Barcelona, ayaa isku qancin karta inay tahay kooxdii sanadkaa ugu macaashka badnayd CL iyadoo urursatay 89,100,000 Euros, halka ay Barca joogsatey 61,027,000. Kaalinta 3-aad waxaa xiratey Real Madrid (oo heshay 52 milyan). Halkan ka eeg lacagaha la qaybiyay oo buuxa…

Kooxda Juventus ayaa 8.6 milyan ku heshay ka qaybgalka, 22.3 milyan waxay ku heshay natiijada iyo bandhiggeeda, halka 58,200,000 ay ka heshay dhanka xuquuqda TV-yada soo duwayay ciyaareheeda, waana halka uu farqigu ka yimid, waayo waxay ka faa’iidaysatey harista Roma iyo Napoli oo lacagta la qaybsan lahaa sidaa darteed waxay isku darsatay qoondadii Talyaaniga oo idil.

s

Leave a comment