Soomaaliya oo ciyaar ka tirsan koobka adduunka la qaadan doonto Niger

SOMALIA-vs-NIGER

Kulankan ayaa waxa uu qeyb ka yahay isreebreebka koobka adduunka, lugtii hore ayaa waxaa lagu dheellay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxa ay ka dhigneyd iyadoo lagu ciyaarayo Soomaaliya.

Ciyaartaasi waxaa natiijadda 2-0 ku qaatay xulka Niger, Soomaaliya ayaa u baahan si ay uga soo gudubto qeybaha kale ee tartanka inay kusoo badiso 3-0, ciyaarta ayaa waxaa la daawan doonnaa 12-ka maqribnimo.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayo macallin Charles, oo u dhashay waddanka Uganda, kulanka caawa ayaa waxa uu u noqonayaa kiisii afaraad, ciyaaraha uu horay u soo dheellay labo waa laga badiyay, midina barbaro ayuu galay.

Soomaaliya, ayaa ku jirto xaaladd soo kabsasho oo dhinac walba ah.

Leave a comment