DAAWO SAWIRADA Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo bilaabay lacag bixin

112

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho

Dadkaan oo dhaawacyadooda lagu dabiibaayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa Guddoomiyaha wuxuu u qaybiyay lacag shilin Somali ah.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xiriirta xaalada caafimaad ee Bukaanada wuxuu ka dhageystay Maamulka Isbitaalka Madiina, kuwaasi oo u sheegay Guddoomiyaha dadkan Isbitaalka la seexiyay in daryeel caafimaad uu weli u socdo.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ee shalay xilka la wareegay ayaa xafladii uu xilka kula wareegaayay wuxuu ka sheegay in uusan rajeynayn in Bulshada dhexdeeda uu ku dhexmaro Cabdi Bile ama gaadiidka qoryo ay ka buuxaan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa looga fadhiyaa inuu la yimaada isbedel amni iyo mid horumarineed.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 1 11

Leave a comment