Itaxaadka Saxafiyiinta Soomaalida Sudan oo soo dhaweyn u sameeyay Masuuliyiin ka socday W/Warfaafin Somalia

bahlaawi

Kulankan soo dhaweynta ah ayna soo qabanqaabiyeen midowga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Suudaan iyo xafiiska warfaafinta ee safaarada Soomaaliyeed ee dalka Suudaan waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha jaaliyada dalka Suudaan Ustaad Cabduwali Xasan Fadiilatuhu, Xogyahay guud ee ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan Inshaar Cabdi Jaliil Suldaan Kamaal oo ka mid ah salaadiinta ku sugan Khartoum iyo qeybaha kala duwan ee ururada ka jira Suudaan.

U qeybsanaha dhanka warfaafinta ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow oo kulanka ka hadlay ayaa wefdiga agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta u sheegay in dalkan aysan marti ku aheym isla markaana uu yahay wadankooda labaad.

Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa wefdiga u mahadceliyay fursadda ay u siiyeen in ay soo booqdaan aqoonyahnada Soomaaliyeed ee Suudaan  jooga, isagoo wax aan la dafiri Karin ku tilmaamay doorka aqoonyahnada ay ku leeyihiin  horumarka dalka.

Kulanka ayaa sidoo waxaa ka soo qeybgaliyaasha fursad loo siiyay in ay su’aalo ka weydiiyaan marxaladihii ugu dambeeyay dalka mas’uuliyiinta ka timid Soomaaliya, ayagoo su’aalahaasi ugu jawaabay dadkii kulanka joogay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/rasaaq Cali yuusuf (Bahlaawi) ayaa ka soo qeybgaliyaasha u xaqiijiyay in loo baahan yahay aqoonyahnada ku sugan dalka Suudaan in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Leave a comment