Real madrid oo la ogaaday in qorshe kale ay la damacsan tahay David de Gea

david-de-gea-manchester-united

Real Madrid ayaa la sheegayaa iney wali xiiseyneyso la soo wareegida goolhayaha Man United David de Gea xili goolhayahooda  Keylor Navas si fiican uu ku bilowday.

De Gea ayaa qarka u fuulay inuu ku biiro kooxda La Liga habeenmii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga.

Dhinac kasta ayaa dhinaca kale ku eedeeyay inuu bur buro heshiiska iney iyaga ka dambeeyeen.

De Gea ayaa intaa kadib heshiis cusub u saxiixay kooxda Old Trafford .

Guillem Balague oo wariye Spain ayaa qaba in Real Madrid ay suuragal tahay iney ku soo laabato doon doonista De Gea xili goolhayahooda uu muujiyay bandhig fiican.

Navas ayaa laga yaabana yahay xagaagan waxaana kaliya laga dhaliyay seddex gool uun

Leave a comment