Wasiir ka tirsan DFS oo kashifay arrin FASHIL ku ah DF (Maxay Tahay?)

TOP-NEWS

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ka hadlay fashilada DFS ka heysta sugida amaanka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in DFS ay ka shaqeyn la’ dahay shaqsiyaad caadeystay fulinta dilal gurcan oo ay la beegsanayaan Madaxda Qaranka waxa uuna sheegay in Muqdisho cid waliba uu guriga u yaalo qoray, hadana aysan jirin cid la xisaabtameyso.

Waxa uu sheegay in Hubka lagu dhex heysto Muqdisho uu ka badanyahay kan ay heysato Dowlada waxa uuna tilmaamay in hadana cid waliba aysan diyaar u aheyn inay ku difaacdo Dowlada amaba shacabka.

Wasiirka waxa uu sheegay in Maleeshiyada Al-shabaab ay maanta hubka ka dhex heli karaan goob kasta oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, isagoona yiri Magaalada oo dhan baa hub haysata.

“Maleeshiyada Al-shabaab ee u dhar dhigatay gumaadka umada soomaaliyeed hubka meel kasta ayay ka heli karaan Xamar. Magaalada oo dhan baa hub haysata.”

Waxa uu tilmaamay in Muqdisho aan wali laga sameyn hub u ruurin balse uusan garankarin caqabada Dowlada ka heysata arrintaasi.

Waxa uu tilmaamay in Dowladu ay ku hami weyn tahay inay hubka ka dhigto reeraha gaarka ah ee hubka sharci darada mooda faan, waxa uuna cadeeyay in qorshahaasi uu dhawaan hirgali doono.

“Weli hubka Magaalada lagama uruurin, waxa gacanta Dowladda ku jira mooyee waxa kala oo dhan, waxaan wadnaa in sharci darro laga dhigo, oo qofna hub aan u sharciyeysnayn haysan karin.”

“Dowladnimadu way dhismaysaa, horey ayay u socotaa, dadkana waxaa looga baahan yahay inay Dowladda la shaqeeyaan, hubkana Dowladda ku wareejiyaan.”

Dhanka kale, hadalka Wasiir Maareeye ayaa imaanaya xili DFS ay ku fashilantay xaqiijinta amaanka Magaalada Muqdisho.

Leave a comment