Mid ka mid ah Ilaalada Hotelada Muqdisho oo qabtay saddex nin oo mid uu dharka dumarka xirnaa

TOP-NEWS

Ilaalada Hotelka Wehliye oo ka mid ah hotelada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa qabtay saddex ruux oo la sheegay in mid ka mid ah uu dharka dumarka xirnaa.

Wararka ayaa sheegaya in saddexda ruux ee la qabtay aanay hubeysneyn, balse ilaalada ka shakiyeen mid ka mid ah oo dharka dumarka xirnaa.

Saddexda ruux la qabtay ayaan wax hub ah wadan, xilliga ay qabanayeen Ilaalada Hotelka Wehliye oo ku yaall degmada H/wadaag.

Ilaalada Hotelka ayaa markii dambe raggan ku wareejiyay laamaha ammaanka dowladda, waxaana ku socota baaris.

10-kii bishii July xilli Ramadaan ayay aheyd markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku waqti weerareen Hotelka Wehliye iyo Hotel Siyaad oo ka mid ah hotelada ay degaan mas’uuliyiinta iyo xildhibaanada.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maalmo ka hor soo saartay awaamiir dhinaca ammaanka ah oo ay dul-dhigtay Hotelada Muqdisho, kadib markii ay soo bateen weerada Al-Shabaab ku qaadayeen Hotelada.

Leave a comment