Macalin Van Gaal Oo Hadal Hanjabaad City Ku Socota U Eg Hawadda Soo Mariyey (Halkan Ka Akhriso)

LVG

Louis Van Gaal macalinka kooxda manchester United ee reer England ayaa lagu soo waramayaa in uu sheegey in kooxdiisa ay awood buuxda u leedahay in ay u u dagaal gasho garaacida koox walboo ka hor imaata.

Manchester United ayaa waxaa ay todobaakda soo socda la ciyaari doontaa kooxda Manchester City kulan ku tirsan horyaalka Ingriiska, kaa oo ah mid aad iyo aad loo wadda sugaayo.

Si kastaba Macalin Van Gaal Ayaa sheegey in kooxdiisa ay diyaar u tahay in ay garaacdo koox walba oo ka hor imaata, madama ay yihiin koox u diyaar  ah in ay koobab ku guuleysato.

” Markaad tahay koox diyaar u ah in ay ku guuleysato koobab, waxaa waajib ah in aad ku xisaabtanto sidii aad guulo muhiim ah u gaari laheyd, waanan gaaraneynaa” ayuu yiri Van Gaal.

Unitedka ayaa kala horeynta horyaalka Ingriiska waxaa ay iminka ka fadhisaa booska seddexaad.

Leave a comment