Faaqidaada ciyaarta Premier League ee Manchester United iyo West Bromwich Albion

Manchester Utd v West Brom

Chris Smalling ayaa ugu baaqay xiddigaha Kooxdiisa in ay soo afjaraan jahwareerka ka heysta kulumada horyaalka Ingiriis-ka.

Kulanka: Manchester United Vs  West Bromwich Albion

Garoonka: Old Trafford, Manchester

Garsooraha: M. Dean

Saacada:6:00 maqribnimo

Maalinta:Sabti

Taariikhda :November 7, 2015

Man United ayaa weyneysa kulankan Antonio Valencia ,James Wilson iyo Paddy McNair .

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay 7 gool, waxaana uu caawiyay wax ka badan afar gool 7-dii kulan ugu dambeysay Premier league uu ka horyimid West Bromwich Albion oo uu safka hore ku soo bilowdo.

West Brom  ayaa laga badiyay hal jeer uun shantii kulan ugu dambeeyay Premier league ay ka horti maaday  United, labo waa ay badiyeen labo kalana bar baro.

Manchester United ayaa laga badiyay hal jeer 13-kii kulan ugu dambeeyay Premier league ay ku ciyaartay Old Trafford,9 waa ay badisay seddexna bar baro.

Man United ayaa ah xagaagan kooxda shabaqeeda ugu ilaaliska  badan Premier league, iyadoo aan wax gool ah  laga dhalin 7 kulan.

Seddexdii  kulan ugu dambeysay EPL-ka wax gool ah kama aysan dhalin, horay sidan oo kale waxaa ay ugu dhacday seddex jeer oo kale waana November 1992, April 2005 iyo August 2007.

Christian Benteke goolkiisii is laabka ahaa ayaa ah goolka kaliya ee xagaagan United garoonkeeda looga dhaliyay horyaalka.

Man United wax guuldaro ah kama aysan soo gaarin xagaagan garoonkeeda horyaalka,3 waa ay badisay labana bar baro.

Leave a comment