Real Madrid oo war farxad leh helaysa ka hor kulanka Sevilla

Real-Madrid

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa helaysa war farxad leh ka hor kulanka adag ee ay laciyaari doonto kooxda Sevilla horyaalka Spain.

Tababarkii saaka ee Real Madrid ayaa lagu arkay Gareth Bale iyo Dani Carvajal kuwaas oo dhaawac uga maqnaa kooxda mudooyinkii dambe sida ay shaacisay AS.

Labadaan laacib ayaa si buuxda uga qayb qaatay tababarka Real Madrid waxaana la filayaa in tababare Rafa Benitez uu ciyaarsiiyo kulanka ay axada u safri doonaan garoonka kooxda Sevilla.

Dhanka kale Benzema ayaa shaki wayn laga muujinayaa inuu ciyaari karo kulankaas maadama ay ku furantahay dacwad isla markaana niyad ahaan uusan taam buuxda ahayn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Marcelo uu seegi doono kulanka Sevilla kadib markii dhaawac looga saaray kulankii ay 1-0 uga adkaadeen kooxda PSG halka goolhaye Navas uu ka sheeganayo dhibaato dhanka muruqa ah.

Leave a comment