SIR CUSUB:- Khilaaf adag oo ka dhex curtay Xasan Sheikh iyo Cumar C/rashiid

xasan-iyo-cc

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Isku shaandheynta la filaayo in dhawaan Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Cumar C/rashiid ay ku sameyn doonaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa qaabka ay u dhici doonto Isku shaandheynta waxaana jiro warar aan la xaqiijin oo tilmaamaya in Madaxweynaha dalka iyo R/wasaaraha ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo hirgalin lahaa Isku shaandheynta.

Kala aragti duwanaanshaha labada Masuul ayaa la sheegayaa inay tahay mid ka taagan laba qodob oo mida koowaad ay tahay in Madaxweyne Xasan uu doonaayo in qaar kamid ah Wasiiradii hore dib loogu soo celsho Xukuumada Cusub, halka R/wasaare Cumar uu isna kasoo horjeedo arintaasi islamarkaana ay aragtidiisu tahay in Xukuumada lagu soo biiriyo xubno cusub ama kuwa hada haya xilalkooda loo kala bedelo.

Kala aragti duwanaanshaha labada masuul ayaa sabab u ah qaar kamid masuuliyiin horay ay u diideen Xildhibaanada kuwaasi oo Madaxweynaha uu doonaayo inay kasoo dhexmuuqdan Xukuumada cusub.

Waxaan cadeyn sida labadaasi masuul ay isugu afgaran lahaayen Xubnaha baxaaya iyo kuwa imaan doona.

 

Leave a comment