DAAWO:FIFA Oo Soo Saartay Liiska Tobanka Ciyaartoy Ee Ku Tartami Doona Abaal Marinta Goolka Sanadka 2015-ka Ugu Fiican Ee FIFA Puskas Award, Lionel Messi Iyo Carlos Tevez Oo Liiskan Hogaaminaya

Messi-And-Tevez-620x430

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay liiska tobanka ciyaartoy ee ku tartami doona abaal marinta goolka Sanadka 2015-ka ugu Fiican ee FIFA Puskas Award, waxaana liiskan hogaaminaya xidigaha ree Argentina ee Lionel Messi iyo Carlos Tevez.

Tobanka ciyaartoy ee liiskan kooban iskugu soo hadhay ayaa dhamaantood dhaliyay goolal ay adag tahay in si sahlan lagu kala doorto, xaqiiqdiina waa goolal qurux badan inkasta oo ay kala duwan yihiin farsamada ay ciyaartoydani goolasha ku kala dhaliyeen.

1-Lionel Messi :Athletic Bilbao vs BARCELONA (May 30, 2015)

Messi

Gool ay cidii soo xulaysay qasab ku ahayd in ay liiskan kooban ku soo daraan, waana gool uu dhalin karo mid ka mid ah ciyaartoyda kubbada cagta ugu fiican. Lionel Messi ayaa indha aduunka isku soo jeediyay kadib markii uu kala dhantaalay tiro badan oo ciyaartoyda Athletic Bilbao intii lagu jiray kulankii finalkii Copa Del Rey. Messi ayaa dhaliyay gool aad u qurux badan oo cajiib ah wuxuuna goolkani ka mid yahay goolasha uu u taagan tartanka goolka sanadkan 2015 ugu fiican.

2-Carlos Tevez: JUVENTUS vs Parma (November 9, 2014)

Markale xidiga ree Argentina ee Carlos Tevez ayaa goolka sanadkan ugu fiican ee abaal marinta FIFA Puskas Award ka qayb qaadanaya gool uu isaguna ku dhaliyay qaab cajiib ah isaga oo kubbad uu ku soo guulasyatay ku kala dhantaalay ciyaartoyda kooxda Parma kulan dhacay November 9,2014. Tevez ayaa goolkan ku helay amaan wayn wuxuuna ku dhaliyay hanaan la mid ah kii uu caanka ku ahaa Maradona.

3-David Ball :FLEETWOOD TOWN vs Preston North End (March 29, 2015)

4-Gonzalo ‘Chory’ Castro :REAL SOCIEDAD vs Deportivo de la Coruna (April 12, 2015)

5-Alessandro Florenzi:ROMA vs Barcelona (September 16, 2015) 

Xidiga kooxda AS Roma ee Florenzi ayaa ka yaabsaday kooxda Barcelona wuxuuna goolhaye Marc-Andre ter Stegen kadib markii uu kubbad ka soo darbeeyay meel goolka Barca u jirtay 45 yards. Adiguma waad jeclaan lahayd in uu goolkan dhalin lahaa xidig soomaali ahi, waxaana sida aad muuqaalka ka arki maqli doonto uu carabka kulankan hayay uu tamaniyay in uu goolkan dhalin lahaa Mohamed Salah.

6-Wendell Lira:Atletico GO vs GOIAS ( March 11, 2015)

7-Carli Lloyd:USA vs Japan (July 5, 2015)

Lloyd ayaa xulka qaranka dumarka USA ka caawisay in ay ku guulaystay tartanka koobka aduunka dumarka kadib markii ay saddexley ka dhalisay finalkii koobka aduunka dumarka ee 2015, waxaana saddexdeeda gool ka mid ahaa gool cajiib ah oo ay ka dhalisay badhamaha garoonka. 

8-Philippe Mexes :AC MILAN vs Inter Milan (July 25, 2015)

9-Marcel Ndjeng:SC PADERBORN vs Bolton Wanderers (July 13, 2015)

Leave a comment