XOG:- C/kariin Guuleed oo Xil Culus u Magacaabay Wiil uu Adeer u yahay..

News

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Axmed Maxamuud Xasan Axmed Baasto u Magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Dekedda Magaalada Hobyo oo dhawaan la filayo in dib u dayactir lagu sameeyo.

Axmed Baasto ayaa ah Shaqsi si weyn looga yaqaanno Degaanada Maamulka Galmudug,waxaana Adeer u ah C/kariin Xuseen Guuleed.

Axmed Baasto ayaa durbadiiba tagay Dekedda Magaalada Hobyo,waxaana uu halkaa ku soo galay Sawiro Muujinaya sida uu ugu Faraxsan yahay Xilka uu Adeerkii u Magacaabay.

Baasto ayaa Galmudug oo uu joogay mudo 6 Sano ah ka soo Cararay markii ay isqabteen C/qeybdiid ,waxaana uu Muqdisho Hotel ka dajiyay C/kariin Guuleed,kaas oo Dowladda Dhexe Xil uga waayay,balse markii C/kariin ay Dowladda ka dhigtay Madaxweynaha Galmudug waxaa uu helay Fursad weyn Baasto,iyadoo uu markasta raaco Guuleed,ugu danbeyna laga dhigay Maareeyaha dekedda Hobyo.

Leave a comment