Xaaladda Burundi oo laga deyrinayo

151106045459_burundi_fleeing_512x288_bbc_nocredit

Waxa jira walaac isa soo taraya oo ka imaannaya beesha caalamka taas oo la xiriirta xaaladda dalka Burundi, iyada oo madaxweyne Pierre Nkurunziza, uu wakhti kama dambeys ah u qabtay dadka in ay soo dhibaan hubka sharci darrada, taa oo kordhisay dilal halkaasi ka dhacayay.

Safiirka Maraykanka u fadhgiya Qaramada Midoobay Samantha Power, ayaa cabsi ka muujisay waxa ay ku sheegtay in ay tahay mas’uuliyad darro hadallada dhanka dowladda iyo mucaaradka.

Kooxda xasaradaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Brussels, ayaa sheegeya in luuqaddaasi ay la mid tahay tii loo isticmaalay Rwanda ka hor xasuuqii 1994.

Faransiiska ayaa ku baaqay kulan deg-deg ah oo golaha amniga ee Qaramada Midoobay si looga hadlo dhibaatadan, taa oo bilaabatay markii Mr Nkurunziza uu ku dhawaaqay in uu jagada madaxweynaha uu isu soo sharraxayo mar saddexaad.

Leave a comment