DAAWO SAWIRADA Sida loo daadgureynaayo Meydadka dadkii saarnaa Diyaaradii kusoo dhacday Jubba

d7

Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa diyaarad nooca xamuulka qaadda oo shalay ku burburtay dalka South Sudan, kadib markii ay daqiiqado yar ka hor ka kacday garoonka caasimada dalkaasi ee Jubba.

Diyaaradan oo lagu farsameeyay dalka Ruushka ayaa nooceedu ahaa Antonov-12 B, waxaana ku dhintay 41 qof oo sida la sheegay u badnaa dadkii ku sugnaa guryihii ay ku dul burburtay oo ku yaal bariga wabiga Niil.

diyaarad-burbur-ssudan-2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in la la yahay tiro meyd ah oo diyaaraddan rakaab ahaan usoo qaatay, iyadoo dalka South Sudan caadi ka tahay in diyaarad xamuul ay qaado dad rakaab ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay diyaaradda ku dhacday ayaa muujinaya burbur, iyadoo qeyba ka mid ah diyaaradana ay ku kala firdheen dhinacyada webiga Niil.

diyaarad-burbur-ssudan-8

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay in booliska ay burburka hoostiisa ka soo saareen maydadka rag, haween iyo carruur, xilli dad fara badan ay halkaa isugu soo aruureen.

Afhayeenka madaxtooyada South Sudan, Ateny Wek Ateny ayaa sheegay in diyaaraddu ay u socotay ceelasha shidaalka ee Paloch ee waqooyiga dalka.

diyaarad-burbur-ssudan-3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu intaa ku daray in markii laga soo tago rakaabkii saarnaa diyaaradda ee halkaasi ku dhintay, hadana tiro aanan la garanayn oo dad ah oo ku sugnaa goobta ay sidoo kale halkaasi ku dhinteen.

diyaarad-burbur-ssudan-4diyaarad-burbur-ssudan-6diyaarad-burbur-ssudan-7

 

Leave a comment