Dowlada Ethiopia oo ka qeyla dhaamisay isku biirida Maleeshiyaadka Alshabaab iyo Daacish

Hailemariam Desalegn

Dowlada Itoobiya ayaa cabsi xoogan ka muujisay wararka sheegaya midowga garab kamid ah Alshabaab iyo Kooxda Daacish.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo wax laga weydiiyay dhibaatada ka dhalankarta isku biirida labadaasi dhinac ayaa sheegay in musiibo hor leh arinkaasi ay u tahay Qaarada Africa.

Waxa uu sheegay in khatar ay ugu filantahay Al-shabaab, daacishna ay usii horseedi karto in Africa oo burburto.

“Al Shabaab way sii daciifaysaa oo tababar badan malaha. Arrinta culeyska keeni karta waa ku biirista Al Shabaab ee Daacish, taas ayaana hadda diiradda saaraynaa.”

Waxa kaloo uu yiri “Itoobiya way ka feejigan tahay weeraro kaga yimaada Al Shabaab, waxaana garab taaganahay bulshada Somaliyeed. Somalida ayaa ah kuwa dagaalka kula jira Al Shabaab.”

Ugu danbeyntii waxa uu sheegay in isku biiridooda ay sara qaadi doonto dadaalka Ciidamada Amisom ay ku xaqiijinayaan amaanka Somalia.

Leave a comment