DAAWO SAWIRADA Somalia sidaan dal maku noqon kartaa, Dowladuse ma sidaan bey maciin biday

4dcd1969

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibaato aanan la soo koobi karin waxa ay ku qabaan dhagxaanta waaweyn ee la soo dhigay wadooyinka Magaalada Muqdisho, taasi oo loo miciin badan ammaan ahaan.

Inta ugu badan wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaad ku arkeysaa dhagxaanta waaweyn ee Shubka laga sameeyay oo Hoteelada iyo xarumaha Dowladda hortooda la dhigay.

Inkastoo Magaalada ay joogaan ciidan badan oo ammaanka ka shaqeeya, hadana dhagxaanta iyo biraha waaweyn ee  wadooyinka la dhigo ayaa caado ka noqotay Magaalada Muqdisho oo waxaa loo arkaa ammaanka inay qayb ka yihiin.

Wadooyin muhiim ah ayaa xiran Magaalada gudaheeda, taasi oo aad ka dareemaysid marka aad Magaalada dhexjoogtid ciriiriga gawaarida iyo saxmada jirta.

Dowladda hoose ee Muqdisho ayaa looga fadhiyaa inay furto wadooyinka Magaalada Muqdisho ee dhagxaanta amnigooda lagu aaminay.

Leave a comment