DEG DEG:- Qodobo 10 ka kooban oo goordhow laga soo saaray Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran (AQRISO QODOBADA)

news-701x290

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, oo Isniintii ka furmay hoolka Xalane, ee Garoonka Aadan Cadde.

Shirkan, ayaa waxaa laga soo saaray 10 qodob oo ay isku raaceen dhinacyadii ka qaybgaleysay, ujeedka Madasha Wadatashiga Qaran loo aas aasay, ayaa waxaa weeye inay ka soo shaqeyso, noocii ay noqon laheyd doorashada madaxtinimada ee 2016 dalka ka dhacayso.

Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa ka kooban Laanta Fulinta, Sharci Dejinta Dowladda, Maamul Goboleedyada & Bulshada Rayidka. Qodobadii ay isku khilaafaana waxaa loo gudbin doonaa Madasha Hogaanka Qaran, oo ay ku jiraan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, si go’aan ay kaga gaaraan.

Leave a comment