Gabar HIV qaadsiisay 15 dhalinyaro Soomaali ah

13883674_1036568673088260_760526486_n

Wargeyska startribune ee kazoo baxa Minnesota, ayaa daabacay in Gabadh Somali ah oo la yiraahdo
Barni Mohamed khaliif oo degan gobolka Minnesota ay 15 Dhalinyaro Soomaali ah qaadsiisay Viruska HIV.

Startribune, ayaa sidoo kale daabacay in gabadhaan hada kahor Booliska Minnesota ay xabsiga dhigeen, waxaana magaca ay Ameerika ku joogto uu yahay Fadumo Farah waxayna  ka mid ahayd dhalinyaro Somali ah oo rag iyo dumar leh oo mudo hada laga joogo 6 Sano lagu soo eedeeyey inay ka ganacsadaan  jiraka gabdhaha yar yar, kuwaasoo xabsiga loo taxaabay.

13901867_1036569289754865_711222057_o

Gabadhaan ayaa sidaad aragtaan sawiradeeda waxaa ku jira mid ka mid ah markii lagu qabtay inay gabdhaha yar yar jidhkooda ka ganacsan jirtay sawirkaan oo looga qaaday xabsiga dhexdiisa.

Sida uu wargeyska startribune qoray Faaduma ayaa mudaday xabsiga ku jirtay ka mid noqotay dumarka wax ka daya dumarka kale iyadoo naag madow ah ay xabsiga isku dhex qabeen oo lesbian ah hase yeeshee barni ayaa markay xabsiga ka soo baxday uu ku dhacay xanuunka halista ah ee AIDS kaasoo ay si ula kac ah u qaadsiisay dhalinyaradan somaliyeed iyadoo markay dhakhaatiirtu ogaadeen loo jaray warqad in la soo qabto xabsigana loo taxaabo barni oo hada ku jirta gacanta Policeka ayaa waaxda cadaalada ee gobolka Minnesota ku soo oogtay inay si ula kac ah u galaafatay nolosha 15 qof oo dhalinyaro ah taasoo ay ku mudan karto xabsi inta nolosheeda ka harsan.

13883754_1036568963088231_1896755812_n

Dhanka kale somalida degan gobolka Minnesota ayaa arintaan aad uga naxay iyagoo dhalinyaro badani dhakhtarada ku yaaceen si ay xanuunkaa isaga baadhaan.saxaafada gobolka Minnesota ayaa faafiyey sawirada gabadhaan waxay 50 state ee maraykanka ka codsadeen in qofkii gabadhaan yaqaana ee wax dhex mareen is baaro sababta ay saxaafadu arintaan ay u sameysay ayaa ah iyadoo la ogaaday inay gobolo badan isku martay oo dalka maraykanka ah gabadhaan somaliyeed

Leave a comment