Halyee Paul Scholes Oo Difaacay Hoos U Dhaca Ku Habsaday Wayne Rooney Xili Cayaareedkan

van-gaal-and-rooney-011-660x395

Halyeega kooxda Man United Paul Scholes haatana ah qabiir kubada cagta ka faaloodo ayaa siweyn u difaacay Wayne Rooney oo haatan hoos u dhac weyn ku habsaday.

Paul Scholes ayaa ka dhawaajiyay in Rooney uu marwalbo tayadiisa sareyso balse nidaamka Man United haatan kubada u cayaarto sabab u tahay inuu xidigan garoonka ka dhex muuqanin marka uu ku jiro.

Paul Scholes wuxuu yiri “Waxaan joogay Manchester Derby, waxaana si gaar ah Rooney u qiimeeyay 20-kii daqiiqo ee ugu horeesay”

“Dhaq dhaqaaqii uu sameeyay wuxuu ahaa mid qurxoon laakiin marka uu kubada lugta ku dhigo ma jirin qof caawineeyay ama ka ag dhawaa”

“Waxaan la yaabay ma jirin cayaarayah  kubada uu Wayne la wadaagi karay waana nidaamk aan lagu raaxeesan karin midka ay haatan Man United cayaarto”

“Xitaa hadii Ruud van Nistelrooy, Teddy Sheringham iyo Andy Cole weerar xiligan Man United looga dhigo ma cayaari karaan nidaamka haatan kooxda adeegsato oo ah mid lagu caajisayo”

Leave a comment