Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray Dilkii Muqdisho loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka

madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac saaka Muqdisho loogu geystay.

Madaweynaha ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta Ummadda iyo Qarannimadda Soomaaliyeed, ” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayashu dhuumaaleysanaya ee maanta sida fulaynimadda ah u toogtay MarxuumkMaxamed Axmed.

Leave a comment