Wada hadalada Maamulka Hawada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo ka furmaya Turkiga

news-701x290Wada hadalada dhinaca maamulka Hawada ee u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu ka furmo dalka Turkiga, iyadoo wali uu hakad ku jiro wada hadaladii dhinaca siyaasada.

Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka ee maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayay oo shalay ka ambabaxay magaalada Hargeysa, kuna sii jeeday magaalada Ankara ayaa sheegay in todobaadkan uu bilaabanayo wada hadaladii dhinaca hawada.

Maxamuud Xaashi oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in aanay marnaba aqbali doonin in magaalada Muqdisho laga maamuo hawada Soomaaliya sida uu yiri,

“Waxaa cadeynayaa in Hawada Somaliland laga maamuli doonin magaalada Muqdisho, marna Somaliland kama tanaasuleyso mowqifkeeda, waxaa shalay diidnay, maantana yeeli meyndo”ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay dooneyso inay dhacaan saddex arrin midkooda, kuwaasoo kala ah; in Hawada laga maamulo Hargeysa, ama hawada loo kala gooyo Somaliland iyo Soomaaliya, ama in Qaramada Midoobey ay gacanta ku sii hayso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii aysan saddexdaas arrimood dhicin ay isaga tagi doonaan wada hadalada sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maalin ka hor xariga ka jaray taawarka cusub ee laga hagi doono Hawada Soomaaliya oo laga hirgeliyay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku haya Hey’adda ICAO ee hoos tagta Qaramada Midoobey, iyadoo hey’adan oo fadhigeedu ahaa Nairobi ay tan iyo 1991 ay si toos ah u maamuleysay hawada Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo hore dowladda Soomaaliya ka codsaday inay ku soo wareejiso.

Leave a comment