Guuleed oo maanta lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo ciidan (SAWIRRO)

news-701x290

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxa uu maanta la wareegay gaadiid dagaal iyo ciidan, oo ay ku wareejiyeen qaar ka mid ah beelaha degga Gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxa uu beeluhu ka guddoomay 11 ka mid ah gawaarida dagaalka, oo qaarkood ay ku xiran yihiin qoriga lidka diyaaradaha iyo in ka badan 50 maleeshiyo, oo hubkooda wata.

Madaxweynaha oo booqasho ku joogga Magaalada Galkacyo, ayaa waxa uu beelahaasi ka dhaadhiciyay in hubka iyo maleeshiyadaba ku soo wareejiyaan Maamulka, si loo hawlgeliyo.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay munaasabad uu kula wareegay gaadiidka iyo maleeshiyada, ayaa waxa uu bogaadiyay beelahaasi, isagoona ku ammaanay tallaabada ay qaadeen.

Madaxweynaha waxa uu beelaha kale ee degta Gobolada Mudug & Galgaduud uu ugu yeeray inay ku deysadaan beelahaasi, isla-markaana ay soo wareejiyaan hubka iyo maleeshiyaadkoodaba.

Madaxweyne Guuleed waxa uu ballanqaaday hubkaasi in lagu ilaalin, laguna difaacaayo Maamulka Galmudug iyo shacabkiisa.

GuuleedGuuleed-Guuleed1Guuleed2Guuleed3Guuleed4Guuleed5Guuleed7Guuleed6Guuleed8


Leave a comment