Subxaanallah Daawo Sawirada Meydadka dad lagu weeraray Masjid ku yaalla Sacuudiga xili ay cibaado ku jireen

sacuudiga

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa, ayaa wuxuu xalay uu isku qarxiyay Masaajid ku yaala Magaalada Koonfurta Sacuudi Carabiya ku taala ee Najlan.

Qaraxan, ayaa waxa uu Masaajidku ka dhacay, xilli dadku ay tukadeen Salaaddii Maqribka ahayd, kana sii baxayen Masaajidkaasi.

Masuuliyadda weerarkan, ayaa waxaa sheegtay Ururka Daacish, waxaana fuliyay nin magaciisa lagu sheegay Abu Ishq Al-Hijazi.

Ujeedada Masaajidkan loo beegsaday, ayaa waxaa lagu sheegay mid salka ku haysa, iyadoo xilliyada qaarkood ay ku tukadaan Saraakiil Sacuudiga ka tirsan. Najlan waa magaalo ay ku xoogan tahay Shiicada Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, ayaa waxay xaqiijisay in hal ruux uu ku dhintay qaraxaasi, halka illaa 10 kalana ay ku dhaawacantay, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay.

Maalmo ka hor, ayay ahayd markii shan ruux lagu dilay Magaalada Saihat ee dalka Sacuudiga, ka gadaal markii dabley hubeysan ay rasaas ku furtay, xilli Shiicada Sacuudiga ay xus ku laheyd Magaaladaasi.

Leave a comment