Xasan Sheekh oo Codsi u diray Baarlamaanka Somalia

madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay muhiim u tahay meelmarinta Sharciga la Dagaallanka Argagixisada ee hadda horyaalla Baarlamaanka, isagoo tilmamay Madaxweynaha haddii sharcigaan la Ansixiyo in si Awood leh Dowladda ay ula dagaallamikarto argagixisada ah ee Dhibaateynaya dadka iyo dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay tallaabooyin badan oo Dowladda Somaliya ay qaadi laheyd inuu ka hortaagan sharciga la dagaalanka argagixisada, waxaana uu sheegay si Dowladda ay tallaabooyin u qaado muhiim ay u tahay meel marinta sharcigaasi.

Sharcigan waxaa soo diyaariyay Wasaarada Amniga Somaliya, wuxuuna hor yaalla baarlamaanka dalka oo wax ku daris iyo ka dhimis kadib meel marin doona.Dowladda Somaliya ayaa dagaal kula jirta Ururka Al Shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha dalka ka dagaalamaan.

Leave a comment