Hogaamiyaasha Shiinaha iyo Taiwan oo mudo 66-sano kadib kulmay isna gacan qaaday (Daawo Sawirada)

tai_1

Waxaa maanta markii ugu horeesay mudo ka badan 66-sano kadib si fool ka fool ah u kulmay Hogaamiyaasha Wadamada China iyo Taiwan, Kulankan ayaana noqonaya mid taariikhi ah oo muujinaya isku soo dhawaansho.

Dalka Taiwan ayaa ka go’ay dal weynaha Shiinaha xiligii dagaalka sukeeye oo labada dhinac ka dhax qarxay sanadii 1949-kii Dowladaha Shiinaha ayaana wali aaminan in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhul weynaha Shiinaha.

Kulanka ay maanta ay yeesheen labada Hogaamiye ee Xi Jinping iyo Ma Ying-jeou. ayaa ka dhacay magaalada Singapore , waxaana labada Hogaamiye ay is gacan qaadeen markii ugu horeesay mudo ka badan 66-sano.

Dalka Taiwan waxaa Dowlada ka dhisay Xoogagii Jamhuuriga ahaa ee Dalka China sanadkii 1949-kii , kadib markii looga guuleystay dalkii sokeeye oo ay ku gacan-sareeyeen xisbigii Shuuciga ahaa ee la wareegay Caasimada Beijing iyo dhulweynaha China.

Taiwan ayaa iyadu qaaday dhinaca Dimuquraadiyada Xisbiyada badan halka dalka China uu weli ka taliyo hal xisbi oo kaliya, waxayna labada dhinac ku kala duwan yihiin dhanka sharuucda, walow uu weli ka dhaxeeyo xiriir badan oo dhanka shacabka, dhaqanka iyo luuqada ah.


Leave a comment