Waa maxay sababtii Mourinho uu xalay u daawaday kulankii Ukraine iyo Spain?

jose-mourinho-porto-chelsea-champions-league-29092015_1v78b7temb5ko10g4f9p5n0iuz

Tababaraha xaaladu ku xuntahay ee kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa xalay la arkayay isaga oo daawanaya kulankii xulka Spain uu 1-0 uga adkaatay xulka Ukraine.

Wargayska Sport ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday in tababare Jose Mourinho uu kulan kaas u aaday si uu u soo daawado 25 jirka qadka dhexe ee Andriy Yarmolenko.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tababare Jose Mourinho uu si fiican ula socday xaalada laacibka Dynamo Kyiv ee Andriy Yarmolenko markii uu tababaraha u ahaa kooxda Real Madrid.

Andriy Yarmolenko

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu si dhaqso ah ku keeno laacib kaan kooxdiisa suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo si uu uga dul qaado kooxda Barca oo xiisaynaysa.

Andriy Yarmolenko ayaa xili hore sheegay in riyadiisu ay tahay inuu ka garab ciyaaro Lionel Messi taas oo laga yaabo inay niyad jabiso tababare Mourinho.

Leave a comment