Warar dheeraad ah oo laga helaayo magdhawgii lasiiyay Qoysaska wiilashooda ay kamidka ahaayen Ciidamada Sierra Leone ee ka midka ahaa Howlgalka Amisom

news-701x290

Waxaa lacago magdhaw ah la siiyay Qoysaska Askartii ka tirsaneyd ciidanka Sierra Leone ee ka midka ahaa Howlgalka Amisom ee Somaliya, inkastoo ciidankaasi aysan hada Amisom ka mid aheyn. Continue reading “Warar dheeraad ah oo laga helaayo magdhawgii lasiiyay Qoysaska wiilashooda ay kamidka ahaayen Ciidamada Sierra Leone ee ka midka ahaa Howlgalka Amisom”

Xog: Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir oo durbaba billaabay xil ka qaadis (Faahfaahin)

Yuusuf-Jimcaale-170x114

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa durbadiiba bilaabay xil ka qaadista Saraakiisha Maamulka Gobolka Banaadir ee uu horay u magacaabay Muungaab. Continue reading “Xog: Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir oo durbaba billaabay xil ka qaadis (Faahfaahin)”

DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu hogaainayo oo goordhow gaaray Dhadhaab..

news-701x290

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke  iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo aad u fara badan. Continue reading “DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu hogaainayo oo goordhow gaaray Dhadhaab..”

Qaabkee Ayuu Jose Mourinho U Maamuli Doonaa Chelsea Kulanka Stoke City Maadaama Uusan Garoonka Imaan Karin?

JM-Chelsea

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa shaqaalihiisa tababarka kala xiriiri doona hotelka kooxda kulankooda Sabtida ee horyaalka England Premier League ka dib markii laga ganaaxay garoomada. Continue reading “Qaabkee Ayuu Jose Mourinho U Maamuli Doonaa Chelsea Kulanka Stoke City Maadaama Uusan Garoonka Imaan Karin?”

Laurent Koscielny Oo Lagu Soo Waramayo Inuu Dib Ugu Soo Laaban Doono Arsenal Kulanka Ay Wajaheyso Tottenham Hotspur

Laurent-Koscielny

Arsenal ayaa waxaa usoo yeeray war wanaagsan ka dib markii loo sheegay inuu Laurent Koscielny dhaawiciisa cajirka ah uga soo bogsan doono waqtiga kulanka Axada ee North London derby ee ay soo dhoweynayaan kooxda Tottenham Hotspur.

Daafaca dambeedka dhexe ee reer France ayaa seegay kulankii Arbacadii ay guuldarrada 5-1 ah kala kulmeen Bayern Munich ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo tababare Arsene Wenger oo shaki geliyey inuu taam u noqon karo inuu ka horyimaado Spurs.

Si kastaba ha ahaatee, 30 sanno jirkaan ayaa kusoo laaban doona daafaca wadnaha ee Gunners oo badisay shan kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League taasoo ka caawisay inay hogaanka horyaalka la hayaan Manchester City, sida laga soo xigtay wargeyska The Guardian.

Daafaca dambeedka midig Hector Bellerin, oo sidoo kale seegay kulankii ka dhacay Allianz Arena maadaama uu qabay dhaawac gumaarka ah, ayaan ka qeyb qaadan doonin kulanka Isbuuc dhammaadkaan iyadoo uu booskiisa buuxin doono Mathieu Debuchy.

Alex Oxlade-Chamberlain iyo Theo Walcott ayaa sidoo kale dhaawacyo uga maqan Arsenal si la mid ah Danny Welbeck, Jack Wilshere iyo Thomas Rosicky kuwaasoo muddo dheer garoomada dhaawacyo uga maqnaa.

Real Madrid Oo Sheegtay Inay Si Buuxda U Taageersan Tahay Karim Benzema Oo Lugta La Galay Falal Anshax Xumo Ah

2E18981D00000578-0-image-a-26_1446633333138

Real Madrid ayaa soo saartay bayaan ay ku caddeyneyso inuu madaxweynaha kooxda Florentino Perez si buuxda u taageersan yahay Karim Benzema ka dib markii weeraryahankaan lagu soo eedeeyey inuu xiriir Continue reading “Real Madrid Oo Sheegtay Inay Si Buuxda U Taageersan Tahay Karim Benzema Oo Lugta La Galay Falal Anshax Xumo Ah”

Erdugaan oo Baarlamaankiisa ka codsaday 1 arin oo amakak ku noqotay markii uu sheegay

Erdugan

Dhinaca kale waxaa Arbacadii shalay dagaal xoog badan uu ka dhacay deegaanka Daglica ee koonfur-bari dalkaasi Turkiga, dagaalkaasi oo u dhaxeeyey Ciidamada Turkiga iyo Kooxda PKK ayey ku dhinteen ugu yaraan 18 qof u badan dagaalyahanada PKK. Continue reading “Erdugaan oo Baarlamaankiisa ka codsaday 1 arin oo amakak ku noqotay markii uu sheegay”

DAAWO SAWIRADA Sida loo daadgureynaayo Meydadka dadkii saarnaa Diyaaradii kusoo dhacday Jubba

d7

Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa diyaarad nooca xamuulka qaadda oo shalay ku burburtay dalka South Sudan, kadib markii ay daqiiqado yar ka hor ka kacday garoonka caasimada dalkaasi ee Jubba. Continue reading “DAAWO SAWIRADA Sida loo daadgureynaayo Meydadka dadkii saarnaa Diyaaradii kusoo dhacday Jubba”

DAAWO SAWIRADA: Shacabka Diinsoor oo goos danbeydka ka qoslaayo iyo Talaabo aysan fileynin oo la qaaday

diins1

Abaanduule-xigeenka ciidamada AMISOM Gen. Nakibus Lakara ayaa gacantiisa ku qeybiyay raashiin ay AMISOM ugu deeqeen shacabka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, halkaas oo qoysas dhowr ah raashiin lagu gaarsiiyay. Continue reading “DAAWO SAWIRADA: Shacabka Diinsoor oo goos danbeydka ka qoslaayo iyo Talaabo aysan fileynin oo la qaaday”

Subxaanallah DAAWO SAWIRO Naxdin leh oo laga soo qaaday masaska adduunka ugu weyn ee sida aadka ah looga cabsado

masmasas_waa_wayn_4

Masaska ugu awooda badan Dunida ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku nool yihiin dalalka Venezuela , Panama , Colombia , Bolivia iyo Brazil waxeeyna dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka iyo duunyada Continue reading “Subxaanallah DAAWO SAWIRO Naxdin leh oo laga soo qaaday masaska adduunka ugu weyn ee sida aadka ah looga cabsado”

Awaamiir dhawr qodob ka kooban oo lagu soo rogay Hoteelada Jowhar

Xilli Talaadadii awaamiir adag lagu soo rogay Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maantana awaamiir kale lagu soo rogay Hoteelada Magaalada Jowhar Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Geelle Isaaq Warsame, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Jowhar, ayaa wuxuu ku dhawaaqay awaamiirta maanta lagu soo rogay goobaha dadweynaha ee Continue reading “Awaamiir dhawr qodob ka kooban oo lagu soo rogay Hoteelada Jowhar”

SAWIRRO: Diyaarad kale oo ruushka laga leeyahay oo ku soo dhacday dalka K/Sudan

d7

Diyaarad kale oo nuuca xamuulka ah ayaa ka soo dhacday dalka Ruushka xili ay dul mareysay dalka Koonfurta Sudan.

Diyaarada ayaa ku dhacday meel ku dhow garoonka diyaaradaha caasimada Koonfirta Sudan ee Jubba waxaana shilkaasi sababay dhimashada dadkii saarnaa diyaarada. Continue reading “SAWIRRO: Diyaarad kale oo ruushka laga leeyahay oo ku soo dhacday dalka K/Sudan”

Bayern Munich Oo Allenz Arena Ku Soo Burbursatay Arsenal, Thomas Muller Oo Laba Gool Dhaliyay, Arjen Robben Oo 30 Seconds Gool Ku Dhaliyay Iyo Kooxda Pep Guardiola oo si xun u Gashay Kooxda Gunners

Bayern

Bayern Munich ayaa Allenz Arena si xun ugu soo jiid jiiday kooxda Arsenal oo marti ugu ahayd, waxayna Bayern Munich kooxda Arsenal kula dhacay cadhadii ay uga soo qaatay kulankii Emirates Stadium. Kooxda Pep Guardiola ayaa qaab Continue reading “Bayern Munich Oo Allenz Arena Ku Soo Burbursatay Arsenal, Thomas Muller Oo Laba Gool Dhaliyay, Arjen Robben Oo 30 Seconds Gool Ku Dhaliyay Iyo Kooxda Pep Guardiola oo si xun u Gashay Kooxda Gunners”

Rooney Oo Xalay Barbareeyay Rikoorka Gooldhalinta Dennis Law, Imisa Ayuuse U Jiraa Inuu Noqdo Xidiga Ugu Goolasha Badan Man United?

van-gaal-and-rooney-011-660x395

Kabtanka kooxda Manchester United ayaa xalay talaabo u qaaday inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda Manchester United markii uu soo afjaray abaaar dhanka goolasha ah oo heysatay. Continue reading “Rooney Oo Xalay Barbareeyay Rikoorka Gooldhalinta Dennis Law, Imisa Ayuuse U Jiraa Inuu Noqdo Xidiga Ugu Goolasha Badan Man United?”

Waa Kuwee Xidigaha Ugu Goolasha Badan 5-Horyaal Ee Qaarada Yurub Ugu Caansan Xili Cayaareedkan

maxresdefault

Pierre-Emerick Aubameyang todobaadkan sedexleydii uu kooxdiisa Dortmund u dhaliyay ayaa ka caawisay weeraryahankan inuu noqdo xidigaha ugu goolasha badan 5-horyaal ee qaarada Yurub ugu caansan.

Aubameyang ayaa cagta cagta u saarayo Continue reading “Waa Kuwee Xidigaha Ugu Goolasha Badan 5-Horyaal Ee Qaarada Yurub Ugu Caansan Xili Cayaareedkan”

Jose Mourinho oo xaqiijiyay iney Diego Costa iyo Pedro taam u yihiin kulanka Liverpool

chelsea-stoke-diego-costa-injury

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa daboolka ka qaaday in xiddigihiisa Spain ee Diego Costa iyo Pedro iney taam u noqon doonaan kulanka Sabtida beri ay la ciyaarayaan Liverpool.

Pedro ayaan Chelsea u ciyaarin seddexdii kulan u dambeeyay dhaawac dartii halka Costa uu dhaawac ka soo gaaray kulankii League Cup ay la ciyaareen Stoke Tallaadadii.

Laakiin waxaa uu 52 jirkan sheegay Branislav Ivanovic inuu isbuucyo maqnaan doono.

“Branislav  iyo Ivanovic waa ay maqnaanayaan kulankan laakiin Pedro iyo Diego waxaan ku raja weyn nahay iney ciyaarayaan.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 15 aad ee horyaalka Premier league.

DAAWO SAWIRADA Ido lagu soo fasaxay waddooyinka magaalada Madrid, Spain

ido2

Kaamiradaha Caalamka ayaa qabtay kumanaan Ido dhex qul qulaayay bartamaha Caasimadda Madrid.

Idahaani dhex qulqulaayay Caasimadda dalka Spain ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dhaqanka dalkaasi uu yahay in sanadkiiba mar sidaa oo kale banaanka loo soo saaro. Continue reading “DAAWO SAWIRADA Ido lagu soo fasaxay waddooyinka magaalada Madrid, Spain”

Subxaanallah Daawo Sawirada Meydadka dad lagu weeraray Masjid ku yaalla Sacuudiga xili ay cibaado ku jireen

sacuudiga

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa, ayaa wuxuu xalay uu isku qarxiyay Masaajid ku yaala Magaalada Koonfurta Sacuudi Carabiya ku taala ee Najlan.

Qaraxan, ayaa waxa uu Masaajidku ka dhacay, xilli dadku ay tukadeen Salaaddii Maqribka ahayd, kana sii baxayen Masaajidkaasi.

Masuuliyadda weerarkan, ayaa waxaa sheegtay Ururka Daacish, waxaana fuliyay nin magaciisa lagu sheegay Abu Ishq Al-Hijazi.

Ujeedada Masaajidkan loo beegsaday, ayaa waxaa lagu sheegay mid salka ku haysa, iyadoo xilliyada qaarkood ay ku tukadaan Saraakiil Sacuudiga ka tirsan. Najlan waa magaalo ay ku xoogan tahay Shiicada Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, ayaa waxay xaqiijisay in hal ruux uu ku dhintay qaraxaasi, halka illaa 10 kalana ay ku dhaawacantay, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay.

Maalmo ka hor, ayay ahayd markii shan ruux lagu dilay Magaalada Saihat ee dalka Sacuudiga, ka gadaal markii dabley hubeysan ay rasaas ku furtay, xilli Shiicada Sacuudiga ay xus ku laheyd Magaaladaasi.

Continue reading “Subxaanallah Daawo Sawirada Meydadka dad lagu weeraray Masjid ku yaalla Sacuudiga xili ay cibaado ku jireen”

Maxaadan ka ogeyn gudoomiye Yuusuf Jimcale?

Yuusuf-Jimcaale-170x114

 

 

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka xayuubiyay maalmo ka hor Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho, inkastoo maanta (Isniin) ah si rasmi ah loo shaaciyay xil ka qaadista Muungaab iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waa Kuma Sheekh Yuusuf?

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ka mid ah xubnaha xisbiga Madaxweynaha ee PDP, isagoo ahaa Xoghayaha arrimaha gudaha. wuxuu wax ku soo bartay dalka Masar gaar ahaan Jaamacadda Arab Open University, oo uu ka diyaariyay Shahaadada heerka labaad ee Master-ka.

Sheekh Yuusuf wuxuu bartay Qur’aanka iyo Diinta Islaamka,taasoo keentay in dadka qaarkiis ugu yeeraan Sheekh, isagoo nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu horaysay ee Dowladda Masar waxbarasho ugu deeqday maamulkii Cali Mahdi Maxamed sagaashameeyadii, mudo sanado ahna wuxuu deganaa Qaahira oo heerka waxbarasho uu kasoo gaaray.

Guddoomiyaha cusub oo beel ahaan kasoo jeeda beelaha dega gobolka Banaadir, gaar ahaan beesha Daa’uud, wuxuuna jufo hoosaad ay yihiin Hoggaamiye kooxeedkii Muuse Suudi Yalaxow.
Waxaa uu ka mid ahaa dadkii lasoo shaqeeyay Muuse Suudi Yalaxow, ka hor inta uusan u xuub siiban Hoggaamiye Kooxeednimada, balse uu maamulayay Maxkamaddii Madiina oo uu u ahaa darawalka gaarka.

Dadka aqoonta u leh Sheekh Yuusuf, waxay sheegeen inuu aaminsan yahay fikirka ah wax wada qabsi iyo caddaalad. balse waxaa isweydiinta tahay Wadaadku ma yahay xil iyo xoolo doon?, oo madaxda Sooomaaliyeed looga bartay.

Maxaa horyaala Guddoomiyaha cusub?

Shaki kuma jiro in caqabado badan oo dhan walba leh uu la kulmi doono Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, waxaana horyaala howllo qabyo ah oo u baahan in laga sii wado meesha ay taagan yihiin ee Muungaab ugu tegayo.

Caqabadaha ka hor imaan kara, ayaa laga xusi karaa inuu la kulmo mucaarado iyo diidmo beelaha qaarkood iyo siyaasad ahaan, hase ahaatee xiligan u muuqata in taasi laga soo gudbay.

Caqabadaha kale ee uu la kulmi karo ayaa ka mid noqon kara, fulin la’aanta sababihii dhaliyay in xilka laga qaado Guddoomiyihii hore oo markii danbe afka furtay, kana horyimid dano shaqsiyaad ka tirsan xukuumadda lacago ugu qaadanayeen hay’adda WFP burburinayay dalka iyo bilicda.

Maxaa laga sugayaa?

Guddoomiyaha cusub waxaa laga sugaa in balan qaadyadii Muungaab meeshoodii inuu kasii wado,, kuwaasoo laga xusi karo balan qaadkii furista 36 wado oo mas’uuliyiin, hay’addo iyo shaqsiyaad ku awood badan Muqdisho ay u xeran yihiin, dadkana ku dhiban yihiin. Laakiin tallaabadaasi ma noqon doontaa mid Guddoomiyaha cusub ku dhaqaaqo mise xilkiisa ayuu ilaalsan doonaa oo kuma deg degi doono?.

Sheekh Yuusuf wuxuu noqon doonaa Guddoomiyihii Labaad ee gobolka Banaadir u magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xiliga jiritaanka Dowladdan ay ka harsan tahay sagaal bil uun.